Dhageyso: Raisal Wasaare Farmaajo oo Dhaliilay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

far

Ra’iisal Wasaarihii hore Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa waxaa uu dhaliilay hannaanka siyaasadeed ee Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed C/laahi Maxamed, ayaa wuxuu Madaxweynaha Somaliya uu ku eedeeyay inaanay Dowladiisu lahayn siyaasad sal fadhiso, isagoona ku sifeeyay dowlad uun guur guur ku jirta.

“Wax la taaban karo oo ay gaartay Dowladda malaha, saddex Raiisal Wasaare ayaa la bedelay, saddex Gudoomiye Gobolka Banaadir ayaa la bedelay. Siyaasadda dowladda waxaad moodda inaysan fadhin, marba guur guur ayay ku jirtaa. Siyaasad sal fadhiso maba lahan.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaarihii Somaliya.

Wuxuu soo hadalqaaday amni darrada ka jirta Magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay haddii dhaqaalaha ugu badan ee Dowladda Somaliya soo galaa aan lagu bixin Ciidamada Qalabka Sida, aan la heli doonin nabadgelyada la doonaayo.

“Dhaqaalaha ugu badan ee dowladda soo gala, haddii aan lagu bixin ciidanka, lama gaaraayo in la helo ammaanka loo baahan yahay. Askariga wuu dhimanayaa, wuu dhaawacmayaa, dhibaatadaa soo gaareyso, waana in laga warqabaa.” Ayuu yiri Maxamed C/laahi oo la hadlay Radio Goobjoog.

Farmaajo wuxuu kaloo sheegay in Dowladda Somaliya uu masuul ka saaran yahay daryeelka Ciidamada Qalabka Sida, ayna ka warqabto qoyska askariga u dhimanaaya Qaranka.

“Masuuliyadda Dowladda saaran waxaa weeye askariga daryeelkiisa wax kasta oo ku yimaada askariga waa masuuliyad saaran Dowladda. Dowladda waxaa laga rabaa inay daryeesho qoyska askariga dhimanaayo.” Ayuu yiri Farmaajo.

Dadka Somaliyeed, ayaa waxay qabaan in rajo badan ay jirtay markii uu xilka qabanaayay Madaxweyne Xasan, rajaduna ay maanta aad uga hooseyso markii uu tallada dalka la wareegaayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.