Dowladda iyo Hay’adaha Taageera Saxafada oo laga dalbaday in aysan la macaamilin labada garab ee NUSOJ”SAWIRO”

Waxaa maanta mar kale Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Gudiga Xalinta Khilaafka Saxaafada waxaa ayna shaaciyeen dadaal dheer kadib in xal wangaasan laga gaaray muarnkii u dhaxeeyey labada Hogaan ee Ururka NUSOJ.

Afhayeenka Gudigani C/Qaadir Dulyar oo kulankaasi kadib Saxaafadda la hadlay isaga oo ay hareero taagan yihiin Xubnihii kale ee Guddiga ayaa sheegay in la dhameeyey Qilaaf mudo soo jiray islamarkaana hada loo gudbayo qaban qaabada qeybinta iyo Casuumaada ergada soo dooran doonta hogaanka cusub ee ururka suxufiyiin Qaranka Soomaaliyeed.

Guddiga waxa uu todobaadka soo aadan uu isku diyaarinayaa qaban qaabada sida ugu haboon ee loo wajihi karo loo abaabulayo Doorasho loo galo cida hogaamin doonta NUSOJ waxaana soo dooran doona Hogaanka Ururka dhammaan wariyeyaasha.

Gudigani ayaa sidoo kale ka dalbaday Dowllada iyo hey’adaha taageera Saxaafadda in aysan la macaamilin labadii garab horey isugu hayey hogaaminta NUSOJ.

7 1 2 3 4 5 6

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.