Deg Deg:Shirkii Heshiiska Axmed Madoobe iyo Besha Sade oo soo Gobo Gaboobay

Waxaa goordhaw soo idlaaday shirkii jaraa’id ee lagu shaacinayay dhamaan Qodobadii lagu heshiiyay ee dhexmaray Beesha Sade iyo Axmed Madoobe.

Kulanka oo Saxaafadda iyo marqaatiyaal kalaba ay goobjoog ka ahaayeen waxaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo dhinacyada matalayay iyo korjoogto caalami ah oo mataleysay Dowladda Federaaalka iyo Beesha Caalamka.

Masuuliyiinta goobta ka hadashay waxaa kamid ahaa Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed madoobe, Wasiirka gaashaandhigga Janaraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland janaraal Cabdulaahi Sheeikh Ismaaciil Fartaag iyo Xildhibaan Maxamuud Cali Magan.

Masuuliyiinta ayaa dhamaantood hoosta ka xariiqay sida ay ugu faraxsanyihiin heshiiskan maanta la saxiixay,iyadoo aad loo bogaadiyay dhaqan galinta heshiiskani.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay farxad tahay in Jubaland Beesha Sade oo  hortaagneyd ay maanta heshiis rasmi ah lagasho isagoo dhiniciisa balanqaaday fulinta heshiiskani.

Wasiirka Difaaca iyo xildhibaan Magan ayaa dhinacooda bogaadiyay Dhaqan galinta hehsiiska yago osheegay in ay diyaar u yihiin in ay marqaati ka noqdaan dhaqan galinta heshiiska.

Xubno matalayay Beesha Caalamka iyo Dowladaha Dariska oo dhinacooda Madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyye heshiiskani iyagoo cadeeyey in ay ku faraxsanyihiin in ay amrqaati ka noqdaan heshiiskani.

Goordhaw Filo Sawirada iyo  Codadka dadka Madasha Ka hadlay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.