Dhageyso: Dadkii loo haystay Qaraxyadii Baydhabo oo la Xukumay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta Magaalada Baydhabo ku Xukuntay 7 Ruux oo loo heystay Qaraxyadii dhawaan ka dhacay Magaaladaasi.

Maxkamadeynta ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida Liibaan cali Yaroow iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ilaa 7 Eedeysane oo Maxkamadda la hor keenay ayaa waxaa mid kamid ah  lagu Xukumay Saddex Sano oo Xabsi ah,iyadoo mid kale Maxkamadu ay siideysay,waxaana 5 kale lagu Xukumay Dil Toogasho ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Qof walba oo Dami ka gala Ummadda Soomaaliyeed laguna helo Dambi cad Xukun uu muteysan doono.

Halkaan Ka Dhageyso:

Wareysi Xusn Maxkamedeynta

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.