TOP News: Ciidamo Kenyan ah oo horleh oo Gudaha u soo Galay Soomaaliya. “sababta”

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Milateriga Kenya ay soo galeen deegaano ka tirsan Gobolkaasi kuwaasi oo degay fariisimaha Milateri ee ay Ciidamada AMISOMA ee ka socda Dowladda Kenya ku leeyihiin deegaanada Afmadoow,Taabta iyo Qooqaani halkaasi oo ay ka wadaan dhaq dhaqaaq Ciidan oo saameeyay shacabka deegaanadaasi.

Ilo-wareedyo ku sugan deegaanada Taabta, Afmadoow iyo Qooqani ayaa u sheegay Gedo tIinay Ciidamadan oo ku hubeysan Hubka Culus iyo Gaadiidka dagaalka soo galeen Gobolka Jubada hoose oo ay toos u galeen xarumaha ay Ciidamada Kenya ka dagan yihiin Gobolka Jubada Hoose.

Ciidamadan ka tirsan Milateriga kenya ayaa la sheegay inay dusha sare ka ilaalinayeen ilaa 4-diyaaradood oo ka mid ah Diyaaradaha dagaalka Dowladda Kenya kuwaasi oo lagu arkayay marka ay Ciidamadani soo galayeen Gobolka J.hoose hawada deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolkaasi,

Tan iyo markii wixii ka dambeeyay markii Weerar Qorsheysan oo ay Fuliyeen Xarakada Al-Shabaab lagu Dilay in ka badan 150-askari oo ka tirsan Milateriga Kenya waxaa Dowlada Kenya ay Bilowday Talaabooyin Milateri oo lagu sheegay inay ku xoojinayaan dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab waxaana xusid mudan in Sarkaalka Al-Shabaab u qabilsan Kenya uu shaaciyay dhawan xarumahaha lala beegsanayo weeraro ay qorsheynayaan inay ka fuliyaan Magalada Nairobi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.