Degdeg: Qarax ka dhacay Afaafka Hore ee Saldhigga Degmada Baardheere iyo khasaare ka dhashay.

War hadda naga soo gaaray Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Afaafka hore ee Saldhigga Degmadaasi uu ka dhacay qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ah.

Goob jogoayaal ka agdhawaa goobta qaraxa ayaa Gedo Times u xaqiijiyay in qaraxaasi uu ka dhacay Afaafka hore ee Saldhiga degamda Baardheere, xilli hawliihii shaqo ee saldhigaasi ay ahaayeen kuwo si caadi ah u bilowday.

Ma jirto cid wali sheegatay Masuuliyadda qaraxaasi,sidoo kale Maamulka degmada wali wax war ah kama aysan soosaarin qaraxaasi iyo cida ka dambeysay toona.

khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa aad u yar marka loo eego shaqooyinka halkaasi ka socday iyo dadweynihii aaga ku sugnaa, wuxuuna qaraxani sababay dhaawac oo kaliya oo ah ilaa laba askari oo kirsan ilaalada Saldhigga.

wixii kusoo kordho kala soco wararkeena dambe insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.