TOP: Axmed Madoobe oo Xilalka ka qaaday Maareyayaasha Garoonka iyo Dekadda Kismaayo, kuwo cusubne Magacaabay.

Sidda lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo gaadiidka Jubbaland oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Shakabadda Jubbaland Media Online ayaa waxaa kagu sheegay in xilalkii laga qaaday maareeyihii garoonka diyaaradaha Kismaayo Cabdullaahi Dhubad Shiil (Xadhuun) iyo maareeyihii dekadda Kismaayo Cabduqaadir.

Wasiirka Warfaafinta iyo gaadidka Jubbaland, Cabdinuur Aadan Cali ayaa isla xilkaas u magacaabay labo mas’uul kale kuwaasoo sidda lagu sheegay wareegtada leh aqoon iyo waayo aragnimo la xiriirta xilalka loo magacaabay.

Maareeyaha Dekadda Kismaayo waxaa loo magacaabay Axmed Xaaji Aadan, halka Maareeyaha garoonka diyaaradaha Kismaayo loo magacaabay Cabdullaahi Aadan Jagadoon.

Ma cadda wax yaabaha in is baddal lagu sameeyo maareeyaashii garoonka iyo dekedda Kismaayo.

Si kastaba, maareeyihii horre ee garoonka diyaaradaha Kismaayo Mr. Xadhuun waxaa uu xilkaas soo hayay ahaa afartii sanno ee la soo dhaafay, waxaana sheegis mudan in aad looga hadal hayo Kismaayo xil ka qaadistiisa.

Masuuliyinitani xilalka laa qaaday ayaa ku heyb ahaa Hogaamiye Axmed Madoobe, iyadoo hadane aan xog iyo xuuraansi ku wadno Mauulyiintani la magacaabay,waxaana akhristayaasha Gedo Times u soo gudbin doonaa shakhsiyaadkaasi iyo beelaha ay asoo jeedaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.