Taliska Booliska oo ka warbixiyay qaraxii saaka ka dhacay banaanka Xarunta Gaadiidka Booliska.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo saaka ka dhacay maqaayad lagu shaaho oo ka soo horjeeda Xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis.

Qaraxa oo ahaa gaari nooca Surf ayaa la sheegay inuu qarxay xilli uu dhinac yaalay maqaayada, halkaasoo ay shaah ka cabayeen Saraakiil iyo askar ka tirsan Booliska.

Illaa saddex sarkaal ayaa ku dhimatay qaraxa iyo haweeneyda laheyd maqaayada, iyadoo ruux waday gaariga oo dhulka jiifay la sheegay in isagoo dhaawac halis ah ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Booliska.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga uu saaran yahay waxyaabo wali aan qarxin, isla markaana Ciidamada Booliska ee qeybta miino baarista ku howlan yihiin kala fur furista waxyaabaha qarxa.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Jen. Cali Gaab ayaa xaqiijiyay in saddex sarkaal qaraxaas ku dhimatay, halka ninkii is qarxinayay oo dhaawac ah gacanta lagu dhigay sida uu hadalka u dhigay.

“Saddex sarkaal qaraxaas ku dhimatay, wax dhaawac ah ma jiraan, ninkii is qarxinayay oo naf xun ku jirto waa la hayaa”ayuu yiri Jen Cali Gaab.

Jen, Cali Gaab ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay saaka waabarigii hore qabteen mooto bajaaj lagu waday waxyaabaha qarxa, waxaana uu xusay in saddex nin oo la socotay ay mid ka mid ah ay qabteen, halka labada kale ay baxsadeen.

“Abaarihii 10-kii saac ciidamadii booliska ee ka shaqeynayay wadada 21 October ayaa waxay qabteen Bajaaj ay la socotay saddex nin oo qarax waday, nin ayaa la qabtay, labo kale waa carareen, kuwii kale ayaa qaraxii taabtay, wax dhaawac ah iyo dhimasho ka dhasay ma jiraan, ninkii la qabtay waxaa lagu raadiyay meeshii uu qaraxa ka keenay iyo cida u soo dhiibtay, ayagana waa la hayaa”ayuu yiri Jen. Cali Gaab

Xarunta Gaadiidka Booliska ayaa waxaa maalmahan uu Tababar uga socday Saraakiisha Booliska, waxaana la rumeysan yahay in qaraxan uu bartilmaameedkiisu ahaa Xaruntaas ku taal degmada C/casiis una dhow Xarunta Hey’adda Nabadsugida iyo Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Conis.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.