Degdeg: Wafdi uu Hogaaminaayo Xildhibaan Magan oo Gaaray Magalada Kismaayo

?????????????

Wafi balaaran oo ka kooban xildhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa Maanta galinki Dambe gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Wafdiga waxaa Hogaaminaya Xildhibaan Maxamuud Cali magan,waxaana qeyb ka ah Xildhibaan Cabdirashiid Suufi Deerow iyo Mudanayaal kale, sidoo kale siaasiyiin iyo waxgarad ayaa qeyb ka ahaa Wafdiga Xildhibaanka.

Magan oo garoonka Kismaayo Warfdiyeenada kula hadlay ayaa sheegay in ujeedka safarkooda uu yahay in ay amrqaati ka noqdaan wadahadalada dhawaan dhexmari doona ergada beesha Sade iyo Hogaamiyaha Mamaulka Jubba Axmed Madoobe.

‘Waxaan u nimid kismaayo inaan goobjoog ka noqono shirka kismaayo dhawaan ka furmaya ee u dhaxeeya beesha Sade o omideysan iyo Hogaamiyaha Mamaulka Jubba Axmed Madoobe,kismaayo oon muddo ka amqnaa waa ku furaxasanhay inaan dib ugu soo laabto ayu uyiri xildhibaan Magan oo Wafdigani codkooda ku hadlayay.

Magan ayaa ahaa Xildhibaankii ugu mucaarada adkaa Mudanayaasha baarlamaanka marka loo eego maamulka Jubba,lamana oga waxa siyaasadda jubaland ay ka abdali doonto socdaalka isaga iyo wafdigiisa ee Kismaayo.

Muddo usbuuc kusiman waxa ahalkaasi ku sugan Siyaasiyiin,waxgarad iyo aqoonyahanno uu horuud u yahay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.