Cumar Cabdi Rashiid oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay Daawo Sawirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib markii uu safar ku tagay dalalka Turkiga iyo Greece, iyadoo garoonka diyaaradaha ay kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Gole ee Dawladda.

Mudane Cumar ayaa magaalada Istanbul uga qayb galay shirka sadexaad ee Madasha Iskaashiga Heerka Sare (HLPF), oo uu marti-geliyay Mudane Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, waxana sidoo kale uu kulamo la qaatay madax sare oo ka tirsan dowladda Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkaas uu guul ku soo dhamaaday, isla markaana ay ka soo baxeen qodobo muhiim ah oo waxtar u leh geeddi socodka doorashada sanaddan 2016 ka dhici doonta Soomaaliya iyo sidii horey loogu wadi lahaa taageerada uu Caalamku siiyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqday dalka Greece, isagoo la kulmay Madaxweynaha dalkaas Prokopis Pavlopoulos, waxana ay ka wada-hadleen arrimaha horumarinta iyo danaha ka dhexeeya labada Qaran. Iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha la xiriira soo galootiga, gaar ahaan Soomaalida doonaya iney gaaraan qeybo ka mid ah dalalka Yurub, oo marin u yahay dalka Greece.

“Wadahadalladii laba-geedoodka ahaa ee na dhex-maray madaxda Greece waxaa lagu xoojinayay xiriirka labada dal, iyadoo sidoo kale laga wada arrinsaday dhinacyada horumarinta iyo meelaha ay naga taageeri karaan.”ayuu yiri R/Wasaare Sharmaarke.

12345

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.