Gudoomiye Jawaari oo Faafaahin Ka bixiyey Shirka Madaxda Barlamaanka Carabta oo la soo Gabagabeeyey

(GedoTimes) _ Qaahira Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ayaa waxaa lagu soo gebagebeeyey gelinka dambe ee maanta shirka madaxda Baarlamaannada dowladaha carabta ayadoo shirkaasi gebagebadiisiina laga soo saaray war murtiyeed ay ku cad yihiin qodobbadii laga hadlay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo hogaaminayey wafdiga Soomaaliya uga qeybgalay shirka ayaa gebagebadiisa faah faahin ka bixiyey qodobbada ugu muhiimsan ee shirka looga hadlay waxaana uu xusay in natiijada shirka ay ka mid tahay wada shaqeyn joogto ah oo xaga shuruucda ay Baarlamaannadu ansixinayaan oo ay yeelan doonaan Baarlamaannada carabta, in si wadajir ah ay u howlgallaan Baarlamaannada carbeed ayaga oo wada ilaalinaya qadiyadaha carabta iyo in ay Baarlamaannada carabtu ka shaqeeyaan dhiira gelinta maalgelin lagu sameeyo dalalka carabta.

Dhanka Soomaaliya ayuu Guddoomiye Jawaari tilmaamay in Madaxda Baarlamaanka dowladaha carabta ay si wadajir ah u taageereen guullaha iyo hormarka uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku tallaabsaday gaar ahaanna dhinaca sharci dejinta oo ay si dhow ula socdaan shuruucdii ugu dambeysay ee uu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey sida sharciga maalgashiga shisheeye, iibka iyo qandaraasyada qaranka iyo sharciga ka hortagga lacag dhiqidda ka warqabka shaqadeenna waxey cadeyneysaa muhiimadda ay Soomaaliya siinayaan ayuu yiri Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa sheegay in khudbaddii uu ka jeediyey shirka uu uga mahad celiyey dalalka carabta muhiimadda ay siinayaan xaaladda Soomaaliya iyo taageerrada ay la garab joogaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed islamarkaana uu ku dhiira geliyey kuna booriyey xiligan maalgashi ay ku sameeyaan Soomaaliya taasi oo ay dalalka carabtu aad u daneynayaan maadaama uu dhowaan Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey sharciga maalgashiga shisheeye.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.