Daawo Sawirada : Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqday Jaamacad ay dhigtaan Arday Somaliyed ee Turkiga

(GedoTimes) _Istanbul Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku sugan dalka Turkiga ayaa khudbadd ka jeediyay Jaamacad ku taala gobolka Bursa ee dalkaasi Turkiga halkaas oo arday dhigata ay ka mid yihiin Soomaalida dalkaasi wax ku barta.

Mudane Xasan sheikh Max’uud ayaa aad u bogaadiyay ardayda Soomaalida ee halkaas wax ka barta kuwaas oo uu ku dhiirigaliyay in ay ka soo dhalaalaan doorkooda waxbarasho,

Isagoo xasuusiyay in Soomaaliya ay wax ka sugeyso, loona baahan yahay in dalka iyo dadkaba wax u soo bartaan,

Waxa uu dhinaca kale amaanay Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga fursadaha waxbarasho ee ay siisay arday Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Shiekh Max’uud ayaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga uga qaybgalay shirka madasha lixaad ee Soomaaliya kaas oo ay ka wada qaybgalayeen madaxda Soomaalida, kuwaas oo ka kala socday maamul goboleedyada dalka ka jira, ururada Bulshada rayidka ah iyo Beesha Caalamka.

12166080_766592793441288_1732073463_n 12767643_766592790107955_1135681253_n

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.