Maxkamad ku taala Dalka Kenya oo min 10 Sanno ku xunkuntay Rag lala xiriirinayo Al Shabaab

Maxkamad ku taala Dalka Kenya ayaa xukun min 10 Sanno ah waxey ku riday 5 Ruux oo macdan qoyaal ahaa kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay qorsheenayeen ku biirida Xarakada Al Shabaab.

Mas’uul ka tirsan Maamulka Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in laga qabtay 5-tan Ruux, 11-ka Bishii November ee Sanadii la soo dhaafay magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo, iyagoo ku howlnaa sidii ay uga mid noqon la haayeen Ururka Al Shabaab

Dhinaca kale, Booliska Dalka Kenya ayaa xabsi u taxaabay Jaamac Xuseen Maalin, oo ah Milkiilaha Dhulka macdantaasi laga qado kaasi, oo isna lagu eedeeyay fududeynta in Raggaasi ay ku biiraan Xarakada Al Shabaab.

Sikastaba, Sanaddii la soo dhaafay ayee aheyd marki Tobanaan Ruux lagu Dilay Weeraro Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay siyaabo kala duwan ugu qaadeen qaar ka mid ah goobaha laga qado macdantaasi oo ku taala Gobolada Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.