Maqaal: Xasuusteydii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre AUN iyo siduu qabyaalad iyo qurun uga fogaa. W/Q : Maxmed Huseen dhagey.

Maamulkii wacnaa ee m/weyne maxamed siyaad barre AUN waxaan ka xasuustaa gobolka gedo ee uu ka soo jeedo maamulka gobolka sidaan ayuu u dhisnaa anigoo arday secondry sidaan xasuusto gudoomiyaha gobolka cali faarax xaayoow murarsade, taliyaha gaaska 6aad colonel cumar gacal maxamed xawaadle, taliyaha qaybta police ka colenel cilmi xirsi cali cilmi qoor gaab ciise madoobe.

Sidoo kale taliyaha nabad sugida gobolka Waxaa ahaa colonel cumar gadhle oo kasoo jeeday beesha Warsangali daarood,

Gudoomiyaha degmada garbaharey xarunta gobolka Gedo waxaa ahaa Mudane baasa weyne oo kasoo jeeday Majeerteen Daarood, halka abaanduulaha gaaska 6aad colenel juuni uu akasoo jeeday beesha Abgaal.

isuduwaha maaliyada gobolka waxaa ahaa Mudane Dhagax tuur oo kasoo jeeday Waqooyiga soomaaliya gaar ahaane Beesha isaaq Sidoo kale isu duwaha boostada gobolka waxaa ahaa mudane yuusuf wayax oo ahaa Xawaadle Madaxa ama gudoonka wax barashada gobolka waxaa ahaa mudane da’uud cabdule oo kasoo jeeday beesha Ogaden Daarood.

Waxaa Suxid Mudan in Beesha Mareexaan Sade oo Gobolkaas Degta aysan hal amsuul ah ku laheyn Masuuliyiinta aan soo sheegay ee in Muddo ah sop Maamuleysay Gobolweynaha Gedo, Sidoo kale Gobolada kale ee dalka ayaa lamid ahaa Gobolka Gedo oo majirin Qabiil Gobolkiisa Maamulayay, Caku Nidaamka Federaalka ee Goroda Naloo Galiyay.

Sidoo kale waxaa xasuusteyda Madaxweyne Maxamed Siyaad kamid aheyd, markuu nigeria tegay maxamed siyaad oo uu Magangalyo SIyaasaded ka helay inay waayeen saaxiibadii acount ay lacag ugu soo diraan sida sheikh zaa id bin suldaan al nahyaan oo ahaa hogaamiyihii imaaraatka carabta sababtune waa tuug inuu lacag aruursado ku tala galay ayuusan ahayn.

Akhristow dib u milicso Maanta ma umaleyneysaa in Madaxweyne xasan sheekh uu sidaan u dhaqmay, jawaabtu waa maya oo waxaa tusaale nooga filan inta wiil rerkiisa ah oo ka shaqeeya madaxtooyada iskadaaye xafiiskalee ay yihiin kuwo aan lasoo tira koobi karin, inkastoo aan u arko in isbarbardhig lagu sameeyo madaxweyne siyaad iyo Xasan Sheekh ay tahay ihaano iyo gaf laga galay Marxuumka dalkiisa daacadnimada kusoo hogaaminayay 21ka sanadood.

Allaha U naxariistee waa madaxweyne ku dayasho mudan Madaxweyne Sareeye gaas Maxamed Siyaad Barre cidii wax umadda ay leedahay Xadane waxaa hubaal ah in malinta qiyaamo lasoo istaajin doono iyadoo aysan qaadi karin culeyskeeda.

W/Q: Maxamed Xuseen Dhagey
Email: Mohamedhu671@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.