TOP: Radio Markableey oo Dib u hawl-gali doona dhawaan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

IDaacadii Markableey ee sanado badan ka ahwl galeysay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa dhawaan laguw adaa in ay dib u hawgasho, iyadoo gudaha degmadaasi ay ka socdaan dadaalo dib loogu hawl galinaayo.

Raadiyaha Markbaleey oo ay alshabaab xoog kula wareegeen sanadii 2012-kii una badaleen magaca idaacad codkooda ku hadasho oo lagu magacaabo al-andalus, oo sanado abdan magacaas ku shaqeyneysay ayaa ahdda dib boorka looga jafayaa.

Agaasimihii Radio markalbeley Axmed Cumar Saalixi oo safar shaqo ku jooga muqdisho ayaa inoo xaqiijiyay in qalabkii idaacada u udhameystiranyahay ayna rari doonaan dhawaan oo ay hawada soo gali doonto bilowga maarso ee soo aadan.

hadii sida loogu talagalay ay u hirsho idaacadda Markableey waxay baahi warbaahineed ka haqabtiri doontaa Bulshada Baardheere, madama sanado badan aysan helin idaacad madax banaan oo codkooda ay ku dhiibtaan kana helaan xogaha qarsoon ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba kajira.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.