Galmudug : Waxaan Soo Furanay Dhaqtar Kenyan ah.

Muwaadinkan Kenyaan-ka ah oo lagu magacaabo James Gajumbo ayaa maanta Kooxo burcad Badeed ah waxaa ka soo furtay Ciidamada amaanka ee Maamulka Galmudug.

Howlgalkan lagu soo badbaaday Dr. James Gajumbo ayaa waxuu ka dhacay Degaanka Hin-Labi oo qiyaas ahaan 160Km u jira Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Galmudug, Maxamuud Aadan Cismaan oo kula hadlay Warbaahinta Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Muwaadinkaasi Kenyaanka ah haatan la keenay Magaalada Cadaado, waxuuna intaasi ku daray in Xaaladiisa Caafimaad ay hagaagsan tahay.

Wasiir Maxamuud Aadan Cismaan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay Dr. James Gajumbo in 15-Billood afduub ahaan loogu heystay Duleedka Magaalada Cadaado.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Kooxo burcad badeed ah ay markii hore ka afduubteen Muwaadinkan Kenyaan gudaha Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.