Abaanduulaha Ciidamada Xooga: hala xoojiyo Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Wafdi uu hogaaminayo Abaanduulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya, Cali Baashi ayaa maanta gaaray Degaanka Biyo-Cadde ee Duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.

Abaanduule Cali Baashi ayaa halkaasi waxuu kulamo kala duwan kula qaatay Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana ay ka wada hadleen sidii ay Ciidamada Huwanta u xoojin la haayeen howlgallada ka dhanka Xarakada Al Shabaab.

Ugu dambeyn, Degaanka Biyo-Cadde ayaa dhawaan waxaa gacanta ku dhigay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM kadib markii halkaasi ay isaga baxeen Xarakada Al Shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.