WARSAXAAFADEED: Reysal Wasare C/wali oo Xisbi Cusub Muqdisho Oga Dhawaqay “Sawiro”

Sida la ogyahay Madasha Midnimada iyo Dimuqraadiyadu waxaa lagu daah furay Bayaanka Isbadal doonka ee 5tii Bisha Janaayo, 2015. Madasha waxaa ku bahoobay Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Xisbiyo, Isbaheysigaasi waxuu isku waafaqay in wadajir looga shaqeeyo difaacid Dimuqraadiyada, Maamul wanaaga, Sareynta Sharciga iyo soo celinta Midnimada iyo Wadajirka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa la isla gartay in aas aas adag lo dhigo Horumar dhaqan dhaqaale ku dhisan, Cadaalada iyo Sinnaan Bulsho, lagana hortago Musuq maasuqa iyo ku tagri falka hantida Dad weynaha loona howlgallo dhiiragelinta Siyaasad hufan oo loo tartamo oo ku dhisan doorasho xor ah oo Muwaadin-walba ka qeyb galo.

Howlihii muhiimka ahaa ee Madashu soo qabatay mudda sanadka ka badan waxey iftiimiyeen baahida weyn ee loo qabo in loo guuro Xisbi Siyaasdeed oo Wadani ah oo Dalkoo iyo Dadkoo idil matala, Xisbigaasi oo naga gudbiya Siyaasadda guran ee qabiileysan, una howlgalla hirgelinta nidaamka Axzaabta badan si Dadkeena ay u heleen Xuquuqdooda ka qeyb galka Siyaasadda Dalka ayna u suurto galaan Doorashooyin Xor ah oo Xalaal ah.

Sidaas darteed, maanta oo taariikhdu tahay 6-da Febraayo, 2016 waa maalin farxadeed oo muhiim u ah Umadda Soomaaliyeed.

IMG_4691 IMG_4692 IMG_4722 IMG_4744 IMG_4746 IMG_4755 IMG_4756 IMG_4690 IMG_4711 IMG_4704 IMG_4698

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.