TOP News: Galmudug oo Sheegtay in Wadahadalada ay laleeyihiin Ahlusunna ay Meel Wanaagsan marayaan.

Maamulka Galmudug, ayaa sheegay inuu jiro wada hadal meel wanaagsan maraya oo u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna, sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey.

Ku xigeenka Madaxweynaha maamulka Galmudug, ayaa tilmaamay in wada hadalkaan oo hada socda ay ka filayaan inay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah oo anfaca dadka dega Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa wuxuu tilmaamay wada hadalka Ahlu Sunna ay kula jiraan inuu yahay mid lagu doonaayo in lagu soo afjaro Isfahan waaga ka dhex taagan Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Wuxuu tilmaamay qorshaha Galmudug mar waliba inay tahay nabad ku noolaanshaha Bulshada degta Gobolada Mudug iyo Galgaduud, iyadoo taasi laga duulayana Galmudug culeys badan ay saartay sidii Ahlu Sunna ay u la hadli laheyd.

Inkastoo Madaxweyne ku xigeenka uusan sheegin masuuliyiinta Ahlu Sunna u matalaysa wada hadalka, ayuu tilmaamay inay yihiin masuuliyiin sar sare oo Ahlu Sunna ka tirsan.

Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa gabi ahaanba diiday jiritaanka Maamulka Galmudug, xilli Ahlu Sunna ay ku dhawaaqeen Dowlad Goboleed.

Maamulka Galmudug ayaa markii la dhisay caqabadii ugu horeysay ee uu la kulmay waxa ay noqotay Ahlu Sunna oo diiday inay raacdo Maamulkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.