Kenya: Waxaan ka shakisanahay Saraakiishii Dowladda ee ku sugnaa Ceelcadde in ay wax ka ogaayeen Weerarkii nalagu Xasuuqay.

Guddiga Kenya u xilsaartay iney baaraan weerarkii Ceel-cadde ayaa sheegay in ciidanka dowlada ee ku sugnaa xerada Ceel-cadde ay ka baxeen xeradan saacado ka hor weerarkii Al-shabaab ku qaaday.

Saraakiisha guddigan ayaa baaraya sababaha ay Ciiddanka Somalia uga baxeen Xeradda Ceel-cadde dhowr saacadood ka hor weerarkii ay Alshabaab bishan 15-dii ku qaadeen Xeradaasi oo lagu dilay Askar badan oo Kenyan ah.

Guddigu waxay tilmaameen inay Saraakiisha Ciiddanka Somalia ka baxeen Qeybtii ay ka degganayeen Xeradaasi, iyagoo aan ku soo wargelinin Ciiddanka Kenya arrintaasi.

Guddiga Baarayaasha Kenya ee Weerarkii Ceel-cadde waxay kaloo baarayaan sababaha dhaliyey inay Isgaarsiinta Ciiddanka Kenya ee ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde noqdaan kuwo mashquul ah, ka hor Weerarkii Alshababaab ee dhimashada badan dhaliyey.

Ilo ku dhowdhow Waaxda Difaaca Kenya ayaa sheegay inay Baarayaasha isku hawlayaan sidii lagu ogaan lahaa Isgaarsiintii ugu dambeysay ee dhex marta Taliyayaasha Ciiddanka Kenya iyo kuwa Soomaalida ee ku wada sugnaa Ceel-cadde, ka hor weerarkaas.

Guddiga Baarayaasha Kenya ee Weerarkii Askartooda ku qabsaday Ceel-caddewaxay kaloo isweydiiyeen Tallaabadda ay Dowladda Somalia ka qaaday Taliyayaashii Ciiddanka Somalia ee maamulayey Xerada Ceel-cadde, markii uu Weerarkii Alshabaab dhacayey.

Guddiga Baarayaasha Kenya, waxay kaloo farta ku godeen Xildhibaano Somali ah oo ay ku eedeeyeen inay Askarta Kenya ku tilmaamaan Askar Duulaan ku qabsatay Somalia oo kale.

Horey waxay Guddiga Baarayaasha Kenya ugu eedeeyeen mid ka mid ah Beelaha Soomaalida deggan Nawaaxiga Ceel-cadde ee Gobalka Gedo inay kaalin ka qaateen qorshihii iyo weerarkii ay Alshabaab bishan 15-dii ku soo qaadeen Xeraddii ay Askarta Kenya kaga sugnaayeen Ceel-cadde.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.