Degdeg: Raisal Wasaare Sharmaake iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka oo ku Wajahan Magaalada Garowe ” sababta Maxay tahay “???

Waxaa lagu wadaa in R/wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo qaar kamid ah Safiirada Beesha caalamka ka jooga Somalia ay gaari doonaan magaalada garoowe.

Safarkaani la sheegay in halkaasi ay ku gaari doonaan ayaa ku qotoma turxanbixinta go’aankii kasoo baxay madasha wadatashiga Qaranka ee maalmo un ka hor lagu soo afmeeray magaalada Muqdisho.

R/wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Soomaaliya ayaa wali wada dadaalo ay ku qancinayaan Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas.

Diyaar garowga masuuliyiintaani ayaa ka socda madaxtooyada Somalia halkaasi oo ay kawada bixi doonaan.

Cabdiwali Gaas waxa uu cadeeyay mowqifkiisa waxa uuna sheegay in biyo kama dhibcaan ay tahay in go’aankaasi uu qaato.

Ugu danbeyntii, ma kala cada in Puntland ay ku raali noqon doonto natiijada iyo inkale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.