Degdeg: Isgaarsiinta Baardheere oo hawada Laga saaray, iyo Hawlgallo ka soconaya Gudaha Degmadaasi.” faafaahin”

Isgaariiinta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo aya atan iyo Saaka hawada ka maqan iyadoo Maamulka degmadaasi ay jareen Dhamaan shirkadihii Isgaariinta ee ka shaqeynayay Degmadaasi.

Shirkadaha Hormuud,Nationlink iyo Somtel ayaa dhamaantood hawada Kamaqan, waxaana hawad aka saaray maamulka Degmada Baardheere oo ilaa iyo shalay Hawlgallo ka waday Gudaha Degamdaasi.

Hawgaladani ayaa yimid kadib markii maalin kahor Gudaha Degmadaasi dhaawac loogu geystay Madixii Maxkamadda ee Degmada Baardheere Sheekh Ibrahim Daahir Shacbaan, kaasi oo ka badbaaday isku day dil oo loo qorsheeyey in lagu khaarijiyo.

Lamaha Amaanka ee Degmadaasi ayaa Xabsiga Dhigay ku dhawaad 50 qof oo ay kamid yihiin ganacsato yio waxgarad si aad ah loogu yaqaano Gudaha iyo hareeraha Degmada Baardheere,kuwaas oo ay xabsiga dhigeen sababo aan ilaa iyo hadda la shaacin ayeyna xabsiga ugu jiraan.

Dadka sidoo kale la xiray waxaa kamid ah dhalinyaro kamid ah dadka deegaanka kuwaas oo laga so oqabqabtay Garoon kubada cagta lagu ciyaaro oo kuyaalo gudaha Degmada xillis halay ay halkaasi ciyaar u tageen.

waa markii ugu horeysay oo sababo amniga la xariira tiro intaasi la eg oo dad ah ay maamulka Xabsiga u dhigaan, lamana oga inta ay xabsiga kusii jiri karaan maxaabiistaasi ay kamid ka yihiin dad aad looyaqaano degmada aadne loo ixtiraamo, Inkastoo Waxgaradka Degmada tan yio Saaka ay Wadaan Dadaalo dadkaas Xoriyadooda dib loogu soo celinaayo.

Gedo Times News 

Baardheere, Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.