War hadda soo dhacay: Ciidanka Kenya oo isaga baxay Buula guduud Xilli ay Deegaano badan faarujiyeen.

Ciidamada Kenya Iyo kuwa Maamulka Jubba Ayaa Goordhaweyd isaga baxay tuulada Buula guduud oo Kismaayo kaga beegan jihada Waqooyi qiyaas ahaan 30km.

Ciidamadani oo halkaasi fariisin kulahaa Muddo sanad Iyo bar ku dhaw Ayaa Goordhaweyd isaga soo baxay Deegaankaasi, lamana oga sababta ay uga baxeen waxayna dib ugu laabteen Magaalada Kismaayo.

Kenyanka oo maalmihii lasoo dhaafay waday dib ugurasho Deegaano dhowr ah oo ay mudooyin kii dambe gacanta ku hayeen Ayaa timid kabixitaankooda deegaanadaas markii xasuuq ba’an ciidanka Kenya loogu geystay Degaanka ceelcade ee Gobolka Gedo.

Waa deegaan kii sadexaad ee ay kenyanka isaga baxaan 48 saac ee lasoo dhaafay, sidoo kale waxaa lasoo warinayaa in Ciidamada Kenya ay qorsheynayaan in ay isaga baxaan Deegaano horleh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.