Dhageyso: Shirka Fashilkiisa Xasan Sheikh ayaa Masul Ka ah.

Waxaa weli isfaham waa xoogan uu hareeyay Shirka Madaxda Soomaalida ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho kaas oo looga arrisanayay arrimaha la xiriira Doorashada dalka ee soo aadan.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa weli ku adkeysanaya in qaab deegaan wax loo doorto halka Maamul Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Galmudug ay qabaan in hanaankii hore ee 4.5 mar kale lagu saleeyo awood qeybsiga dalka.
Afhayeenka maamulka Puntland Cabdullaahi Max’ed Jaamac Quraan Jecel oo Saxaafadda Muqdisho kula hadlay ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya in uu qaatay tallaabo u gaar ah taas oo uu sheegay in dhankooda aysan meel ka soo qaad ka dhigi doonin.
Quraan Jecel ayaa shaaca ka qaaday in shirkii wadatashiga ee indhawaanahaan loo fadhiyay Muqdisho lagu kala dareeray waxaana ugu wacan fashilka shirka ku yimida sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud.
Si kastaba waxaa weli is jiid jiid xoogan uu ka taagan yahay arrimaha ka go’aan gaarista habka lagu soo dhisayo dowladda bedeli doonto mida hadda waqtigeedu sii dhamaanayo.

Halkaan Ka dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.