Dhageyso: Ma Aqabaleyno Natiijada Muqdisho

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho oo heshiis laga soo saaray
Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socday Magaalada Muqdisho kaasi oo looga hadlayay nuuca doorasho ee Sanaddan ka dhici karta Dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa laga soo saaray Heshiis la isku raacay.
Shirkan oo muddo 3-maalmood ah ka socday Xarunta Madaxtooyada ayaa Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamulka Goboleedyada Dalka waxey isla garteen in Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya lagu soo xulo hannaanka awood qaybsiga beelaha ee 4.5, halka aqalka Sarena laga dhigo Degaan.
Beesha Caalamka ayaa dubaba taageertay Heshiiska maanta lagu gaaray Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya kaasi oo ku aadan nuuca doorasho ee Sanaddan ka dhici karta Dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qaadacay natiijadii ka soo baxday Shirkii Madasha Waadatashiga Qaran ee Magaalada Muqdisho.
Waxuu sidoo kale in Shacabka reer Puntland uu horgeen doono go’aankii Dowladda Soomaaliya ay ka soo saartay Shirkii ka socday muddada 3-da maalmood Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Sikastaba, lama oga halka ay ku dambeyn doonto go’aanka Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ka qaatay heshiiskii laga soo saaray Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu soo xiray Magaalada Muqdisho.

Halkaan Dhageyso

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.