TOP News: Madaxweynaha Kneya oo Beesha Sade ku eedeeyey in ay qeyb katahay Weerarkii lagu xasuuqay Ciidankiisa ee Ceelcadde.

iyadoo dhawaan ciidamada kenya lagu xasuuqay deegaanka ceelcade ee gobolka gedo, ayaa waxaa kahadlay saxuuqaasi madaxweynaha dalkaasi kenya ee Uhuru Kenyatta.

Wargeyska The standard ee kasoo baxa magaalada nairobi oo soo xiganaya Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qoray warbixin uu ugu magac daray Madaxweyne Uhuru oo xaqiijiyay in Beesha Mareexaan ay qeyb ka aheyd Weerarkii ceelcade ee lagu xasuuqay Cciidcamada Kenya ee halkaasi ku sugnaa.

Uhuru ayaa si cad ugu eedeeyey Beesha Mareexaan in ay wax ka laayeen ciidamadii kenya ee ku sugnaa ceelcade, isagoo sheegay hadii aysan beeshaasi dagaalka qeyb ka aheyn in ciidamadooda aan sidaas loo xasuuqeen, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Kenyatta ayaa dhinaca kale sheegay in beeshaasi in ay qeyb ka aheyd weerarkasi uu daliil u haayo in beesha Mareexaan ay labadii sano ee lasoo dhaafay ciidamadiisa u hayeen caacdaawad kadib buu yiri markeey u qaateen in aan garab siineyno beesha ogaadeen ee ay beeshaasi colaada kala dhaxeyso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.