Koxo Hubeysan oo Marko Ku Dilay Ganacsade

Dableey Bastoolado Ku hubeysan ayaa barqanimadii maanta Nin shacab ahaa ku dilay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ninka la dilay oo Magaciisa lagu soo koobay Sadiiq ayaa ahaa Sarifle iyadoo dilkiisana uu ka dhacay Suuqa Sarifka.

Sida caadada ahayd kooxaha dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday iyadoo dhacdada kadib ay Ciidamada ammaanka ay meesha wax ka dhaceen soo gaareen.

Lama oga sababta ka dambeysa sababta dilka ganacsadahaasi maanta loogu geystay Magaalada Marka.

Falalka dilalka ayaa muddooyinkii dambe ku sii kordhayay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Magaalada ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal la xiriira aanooyin qabiil iyadoona weli aan xal rasmi ah laga gaarin beelo walaalo ah oo halkaas ku dagaalamay.

Ma jirto wax war ah oo Saraakiisha iyo masuuliyiinta maamulka Magaalada Marka ay ka soo saareen dilka Ninkaas Sariflaha ahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.