Kenya oo Besha Marexan ku Edeysay Werarkii Ceel Cade.

Warbixinno horudhaca oo soo baxaya ayaa sheegaya in Beesha Mareexaan ee degta deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo ay door weyn ku lahaayeen weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen fariisinkii Ciidamada Kenya ee deegaanka Ceelcade sida laga soo xigtay guddi dowladda Kenya ay u saartay barista weerarkii Ceelcade.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in qaar ka mid ah Askartooda oo ka baxsatay weerarka deegaanka Ceelcade ay u soo far muuqeen dadka deegaankaas kadibna ay dileen Al Shabaab.

Beesha Mareexaan oo si weyn u degta Gobolka Gedo ayaa u arka in Ciidamada Kenya ay taageero weyn siiyaan beesha Ogaadeen taasoo kalliftay in Beesha Mareexaan ay ku lug yeelato weerarkii Ceelcade sidaas waxaa sheegay Warbaahinta Kenya.

Bishii May 2013 oo dagaal uu ku dhexmaray Magaalada Kismaayo Maleeshiyo kala taabacsan Col Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe Madaxweynaha maamulka Jubba ayaa lagu eedeeyay Ciidamada Kenya in ay si toos ah ula safteen Maleeshiyada Axmed Madoobe.

Guddi ay u xil saartay Kenya baaritaankii weerarkii Ceelcade oo ka kooban Saraakiil Milatari ayaa weli u kuur galaya doorka Beeshaas Soomaaliyeed ay ku leedahay weerarkii Ceelcade sida ay ku andacoodeen.
Kenya ayaa sheegeysa in weerarka Ceelcade oo muddo la qorsheynayay uusan dhici lahayn haddi aysan Beesha Mareexaan ee Ceelcade degta kaalin ka geysan.

Col Cabaas Ibraahim Gureey oo ah Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa sheegay mar sii horeysay in Ciidamada Kenya ay ku war geliyeen muddo 45 cisho ka hor inta uusan dhicin weerarka Ceelcade uu ku soo wajahanyahay weerarkaas balse ay Ciidanka Kenya ay iska dhega tireen.

Hayeeshee Taliyaha Ciidamada Milatariga ee Kenya ayaa gaashaanka u daruuray wararka la xiriira in ay heleen digniino ka hor weerarkii Ceelcade.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.