XOG: Nin u dhashay Dalka Holland oo fuliyay Weerarkii Liido

People search for friends and family amongst dead bodies on the beach, following an overnight attack on a beachfront restaurant in Mogadishu, Somalia, Friday, Jan. 22, 2016. Somalia's security forces ended a deadly siege of a beachfront restaurant in the capital, with many killed in the attack, a police official said Friday. (AP Photo/Mohamed Sheikh Nor)

Muwaadin Soomaaliyeed oo heysta Dhalashada Dalka Holland ayaa la sheegayaa in uu ka dambeeyay Weerarkii Cuslaa ee lagu qaaday Maqaaxida Seafood ee Magaalada Muqdisho, Sida lagu daabacay Wargeyska Netherland Times.

People search for friends and family amongst dead bodies on the beach, following an overnight attack on a beachfront restaurant in Mogadishu, Somalia, Friday, Jan. 22, 2016. Somalia's security forces ended a deadly siege of a beachfront restaurant in the capital, with many killed in the attack, a police official said Friday. (AP Photo/Mohamed Sheikh Nor)
Waa meydadkii laga soo saaray gudaha Maqaaxida Seafood

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa lagu magacaabaa Cismaaciil Axmed Muuse Guuleed, kaaso oo mar lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho. Sida uu sheegay Wargeyskan, oo soo xiganaya Wariye khabiir ku ah arimaha Dagaalka oo lagu magacaabo Harald Dooranbos.

Wariye Harald Dooranbos ayaa waxuu sheegay Wasaarada arimaha Dibadda in aysan tixraan wanaagsan ku sameyn xariga Soomaali-Holandeeskaasi.

Cismaaciil ayaa la aaminsan yahay in uu ku lug la haa Weerarkii Sanaddii la soo dhaafay ka dhacay Hoteelka Centaraal ee Magaalada Muqdisho iyo waliba Weerar kale oo Sanaddii 2014-kii ka dhacay Dalka Jabuuti kaasi oo ay ku dhinteen 6 Askari oo u dhashay Dalka Holland.

Cismaaciil Axmed Muuse Guuleed waxuu galay Dalka Holland 1992 halkaasi oo uu ku guursaday Haweeney iyana heysata dhalashada Dalkaasi waxaana Ninkaasi uu ku biiray Al Qaacida iyadoona xusid mudan in Xaaskiisa ay isku qarxiyay Magaalada Muqdisho.

Sikastaba, Ciidamada Amaanka ee Dalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Ninkan kadib markii uu ka dhacay Weerar ay in ka badan 20 Ruux ay ku dhinteen oo ka dhacay Maqaaxida Liido Seafood ee Magaalada Muqdisho.

Xigasho:  Netherland Times

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.