Golaha ammaanka oo ammaanay jawaabta ay ciidamada ammaanku ka bixiyeen weerarki Liido

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee kooxda Shabaab ay ku qaadday Baar ku yaala Liido, halkaasoo ay ku dhinteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo an waxba galabsan.

War saxaafadeed ay soo saareen xubnaha Golaha Ammaanka ayaa looga tacsiyeeyay dowladda Federaalka iyo guud ahaan qoysaski iyo eheladi dadkii Soomaaliyeed ee lagu dilay weerarki Liido,  ayagoo u rajeeeyay kuwa ku dhaawacmay inay si deg deg ah uga soo bogsadaan.

Golaha Ammaanka ayaa ku ammaanay ciidamada ammaanka ee dowladda  jawaabta ay ka bixiyeen weerarkaasi argagixiso.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa carabka ku adkeeyay in kuwii ka dambeeyay dilka dadka rayidka ah lala xisaabtami doono, wuxuuna goluhu caddeeyay iney kordhin doonaan taageerada dowladda dowladda Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ayaa ku celiyay in argagixisada ay halis ku tahay  nabadda iyo ammaanka caalamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.