Dhageyso: Diyaaradaha Kenya oo Duqeymo Ka Fuliyay Baay

Diyaradaha dagaalka Kenya ayaa maanta gantaallo ku garaacay deegaanno hoostaga degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Meelaha Diyaaradaha Kenya duqeeyeen walow gantaalada ay ku rideen aysan qarxin ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Raaxoole, qiyaastii 35 KM u jira Diinsoor iyo Qodqod oo isna 40 KM u jira degmadaas.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha Bulshada ee maamulka Degmada Diinsoor Abshir Macallin ayaa 4 gantaal ayaa waxa ay ku dheceen deegaanadaasi aan kor ku soo xusnay.

Diyaaradaha Kenya ayaa duqeeymo kala duwan ka waday maalmihii la soo dhaafay qeybo ka mid ah Soomaaliya kadib weerarkii Askarta badan looga laayay oo ka dhacay Ceelcade.
Madaxweynaha Kenya ayaa wacad ku maray in ay u aargudi doonaan askartii looga laayay Kenya.
Halkaan Riix .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.