Wa side xaalada Dagmada Ceelcade ka dib ku labashadi Ciidamada DF iyo Kenya

Ciidanka Difaaca Kenya, ayaa waxay ugu dambeen ay maanta dib ugu laabteen Degmada Ceelcadde Ee Gobolka Gedo, xilli laga eryay maalintii Jimcaha, markii ay weerar ballaaran ku soo qaadeen dagaal-yahanada Shabaabka.

Ciidanka Kenya oo wata dabaabaadka dagaalka, madaafiicda goobta iyo qoriga ridada dheer ee BM-ka, ayaa waxay soo saldhigteen Xeradii Militariga ay ku lahaayeen Degmadaasi Ceelcadde.

Ciidankan, ayaa ku soo laabtay Degmada, xilli ay isaga barakaceen wixii rayid ahaa ee deganaa Degmadaasi, sidoo kalana ay ka baxeen Xoogagii Shabaabka ee maalintii Jimcaha la wareegay.

Wararka waxay intaa ku darayaan in Xoogaga Shabaabka ay burburiyeen Xeradaasi, mudadii ay gacanta ku hayeen Degmada Ceelcadde. Xoogaga Shabaabka waxay kaloo Xerada ka qaateen wixii hub iyo tasiilaad ah, ee u yaalay Ciidanka Militariga Kenya.

Wixii ka dambeeyay Jimcihii Ciidanka Kenya oo gurmad ahaan ugu soo dhaqaaqay Degmada Ceelcadde, ayaa waxay la foollanayeen, sidii ay dib ugula wareegi lahaayeen gacan ku haynta Degmadaasi.

C/rashiid Cali Jootaan (Qoorleex), Gudoomiyaha Degmada Ceelcadde, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Amisom, ay dib ugu soo laabteen Degmadaasi.

Ciidanka Kenya, ayaa Degmada Ceelcadde waxaa lagu gaarsiiyay khasaarihii ugu xumaa ee ebid ka soo gaara dalka Somaliya, tan iyo markii ay bishii October ee sanadkii 2011-ka, ay gudaha u soo galeen Gobolada Koonfurta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.