DHAGEYSO: Dowlada Galmudug Oo Ka Hadashay Ujeedada Loo Tira Koobayo Guryaha Gaalkacyo.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sababaha loo tiri koobaya guryaha Gaalkacyo ay tahay sidii loo ogaan lahaa dadka dagan Gaalkacyo iyo tiradooda maadama magaalada ay ka socoto qaban qaabo lagu soo dhisayo golaha deegaanka dagmada Gaalkacyo.

Golaha Deegaanka ayaa la filayaa in uu ka yimaada xaafada Gaalkacyo, waxaana dooranaya shacabka daga afarta xaafadood ee dagmada Gaalkacyo sidaasi waxaa yiri Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.