Garyaqaan:Cali Somali oo sharaxay Go’aankii Maxkamda ICJ ee dib loogu dhigay Dacwada Bada

Markii laga hadlayo dacwad waxaa kamid ah mabaad’ida saldhigga u h in Qofka ama Dowladda uu helo fursad uu isku difaaco.

Waana xaq ku xusan qaanuun kasta iyo baaqyada Caalamiga ah. Muranka badda waxuu u dhaxeeyaa labo Dowladood, waxuuna saameenayaa Nabadda iyo xasiloonida adduunka, oo ah arinta golaha Amniga loo sameeyey in uu ilaaliyo; Maxkamaduna waxay awood u leedahay sida uu qorayo Xeer-hoosaadka ” Rules of ICJ” in ay aqbali karto codsi dib dhigis marka ay u garato in uu yahay mid sax ah.

Dib u dhigga waxaa la samayn karaa marka Niyad wanaag laga dareemo cidda codsatay, uuna wato sababo macquul ah.

Go’aanka Maxkamadda waxuu saamaynayaa xuquuq labo dowladood, waxaana la rabaa in loo hoggaansamo mana leh rafcaan, sidaas darteed waa in dhinacna uusan dareemin Cadaalad darro.

Wax dhib ahna maleh mar hadiii lagu xusay in ay tahay markii ugu danbaysay oo la dib dhigayo. Haddii Kenya ay maqnaato 8-12 waxay codsan kartaa in loo wado Dacwadda, sida ku xusan Xeerka Maxkamadda. Sidoo kale waxaa muhiim ah in la ogaado dhagaysiga Maxkamadda ee Juun 8-12- 2020 in uusan ahayn soo saaris xukun.

Xukunka waxuu soo bixi doonaa ugu yaraan dhagaysiga kadib lix bilood ilaa labo sano gudahood. Arinta Badda ma aha mid Siyaasad shaqo ku leh iyo Doorasho waa qadiyad jiritaan, sidaas darteed waa in mid laga ahaado. W/Q Cali Somali

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.