Kismaayo:Burburkii Soomaaliya oo laba Kacleysay 30 Sano kadib iyo Rajo Xumo

Waxaa lagu gartaa qoon ama ummadi markii ay dhumeyso oo magacoodu ka baxaayo taariikhda marka hore waxay lumisaa dhaqankeeda kadibana ummadnimadeeda iyo wixii ay Sharaf iyo karaamo ku lahayd,markaas kadib cadawgeeda baa cagta mariya oo u sii daba tira.Bal dib u milicsada halkii aad ka soo noqoteen Soomaaliyey, sow cadawgu cagta mamarin wax kasta oo isku kaaya hayey oo aan Sharaf ku lahayn sida dhaqankii Soomaalida ,midnimadii, wadaniyadii iyo Diintii Islaamka oo muqadiska ahayd.

Arintaas waxay ahayd duulaan caalamiya oo kanaalka loo soo maray ahayd dal aan derisnahay,waxaana la adeejiyey kuwo naga mid ahaa oo damac iyo hungry xumo lagu ogaaday lana tuujiyey in aan wax yar oo Soomaalinimo iyo damiir xishooda midna ku jirin, wixii dhacay iskaga sheekayn mayno waxaa xaqiiqa manta cadawgii caalamiga ahaa in uu arkaayo in rag Soomaalinimadii boorka ka jafay ay hoggaanka hayaan waxayna labakaclayn ku sameeyeen burburkii oo ay arkeen in laga soo kabanaayo kadib markii ay heleen kuwii shalay kuwo ka damac iyo damiirba xun nin baa jaaxo socota la yaabay qolada waday wax soconaaya in aysan ahayn suuragal baa u muuqatay markaas buu yiri (AALA TAHAY) WIXII caleemasaarka lagu tilmaamay ee Kismaanyo  ka dhacay waa duulaan qaawan oo ay cadawga caalamigaa ee qaranka Soomaaliyeed ee soo kabanaaya ku soo qaaday kanaalka loo soo marayaana waa dal kale oo daris ah marka albaabkii shalay soo xirmay,markaas baan is iri AALA TAHAY(ILEYN DOQON BAA LABA JEER GOD LAGA QANIINAAYE),Waayo waxaan aaminsanahay in aan Soomaali laba jeer god laga qaniiney.

Waxaa marag ma doonta ahaa shirkii lagu sheegay caleemasaarka in ujeedadiisu ahayd burburintii Soomaaliya oo laba kaclaysay markii la arkay Soomaalidii kuftay in ay kacayso.

Haddaba mar haddii aan aragnay waxa socda aan wada istaagno ileyn (BIYO INTEYSAN KU SOO GAARIN BAA LAYSKA MOOSAAYE),Arintaasna yey soo dhaafin Xuduuda Keenya.

Aan ku soo gunaanado mahadcelin iyo amaan aan u jeedinaayo waxgaradka Gobolka Bari, Gobolka Gedo iyo Shiikh Xassan Daahiye ee Reer Boorame ah oo si waafiya uga hadlay arinta ka dhacaday Kismaanyo,Hoos ka dhegaysta wuxuu u  soo jeediyey shacbjga soomaaliyeed,waxaa ayaguna bogaadin mudan dadka badan oo sida Soomaalidaa taladooda ka soo jediyey baraha bulshada.

Intaas kuma filna ee 18ka Gobol ee Soomaaliya ka kooban tahay waxaa laga rabaa falcelin dhaba,waxaana maanta la ogaan doona wadar iyo qof ahaanba jiritaanka ummadda Soomaaliyeed cida ay la wayntahay,ogaadana shirkaas waxaa abaabuley Keenya iyo Imaraadka oo ku bixiyey adduun dhan 23,000.000 doolar intii Meesha tagtay oo kuwa xilal haya iyo kuwo soo qabtay ka koobnaa balan qaad lacagtaas bay ku tageen,sidaas awgeed Golaha wasiirada DFS,baarlamaanka DFS , baarlamaanda Dwalad goboleedyad,Culumada,dhalinyarada iyo shacbiweynaha Soomaaliyeed waxaan u soo jeedinayaa in ay ka felceliyaan wixii Kismaanyo ka dhacay oo ay ugu horeyso ummada oo dhagarta looga digo iyo banaanbaxyo(WAXAASI WAA LAG IDAAD OO DHEELALAABO LAGUMA CUMO),Yey nagu foggaan sidii tii 1991kii.

Wabilaahi towfiiq

Jimcaale/London.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.