Kismaayo Ma Kataangaa Axmedna Ma Korneyl Ujungaa??

madoobe

Su,aasha aan cinwaanka uga dhigay qormadaan, waxaan isleeyahay dad badan oo Soomaalida maanta kama jawaabi karaan ,marka laga reebo in yar oo aniga da,aadeyda ah iyo in fara ku tiris ah oo iga fac weyn,waa taariikh dhacday lixdameeyedii,waqti dheerna socotay ,waxaan ahaa inan yare e dugsiga hoose ee Macalin Jaamac Xamar dhigta oo aan siyaasad ku jirin,laakiin dhacdadaas samayn bay ku reebtay maskaxdayda, waayo wax badan bay waraka aduunka cinwaanka ama madaxa waraka ahayd (headline)idaacadaha ugu caansan sida BBCda,ninkaas Gobol Najeeriya ka mid ahaa buu goostay dawladii markaas ka talineysay buu dagaal lagu hoobtay oo dhiig badan ku daatay la galay, arintu waxay ku dhamaatay in laga adkaado oo uu xabsi ku danbeeyo kooxdiisii Biyaafarana cagta la mariyo,waxaan shaki iiga jirin in Axmed iyo kooxdiisa gooni u goosatada ah cagta la marin doono Axmedna ku danbeyn dil iyo  xabi midkood , waxaan kale oo aan caad saarneyn caruurta Soomaalida ee manta gaar ahaan kuwa Jubadahoose ama kuwo kale ee adduunka ku kala nool in arintaan raad iyo samayn ku reebi doonto, ee Jubada Hoose aan u soo laabto(XAAJABA LA YAAB LEH BAL AAN QODO XABAALAHA.Waxaan ka xumahay siyaasiyiin xil haya iyo kuwo xil soo qabtay oo suxufiyiin rugcadaa ah ku jiraan in ay dadka Soomaaliyeed marin habaabiyaan oo danta dalka iyo dadka ka indhasaabaan,intii ay noqon lahaayeen ileys xaqiiqda u ifiya.ayyaga oo og arimahaan.

1-Waxaan wada og nahay in dadka iyo dadka Soomaaliyeed aan balaayo uga horeyn Tuuladii Imbegaati (DOOFAAREY) ee Kenya oo wax ma garatadu Tastuurka ma dhamaatada iyo kala bixiwaagaa loo soo xambaarshay,maalintaas ka hor dalka dagaal oogayaal ha haysteen laakiin gacanta Soomaalida buu ku jirey.

2- Saddex madaxweyne ee xukuumada manta ka horeyey baa dalka faraha ka bixiyey oo cadaw u gacan geliyey ninba in ha ku lahaadee,ciidamada shisheeye ayyagaa dalka keeney,kuwa  dariska ah ee markii hore laga xaraantimeeyey in ay dalka soo galaan ayyagaa dalka soo geliyey.

3-Ayyagaa sababay in dalka gacmo shisheeye maamulaan sida maxmiyad oo wax loo yeeriyo.

4-Wakiilkii Tegreyda Gabre,Amisom,wakiilka qaramada midoobey iyo Safiirada dalalka shisheeyaha u fadhiya waxay dalka ku sameynjireen waan wada ogayn.

Maxaa dhacay markii xukuumadaan talada qabatay?

1-Waxay shirisay dhammaan waxa  loogu yeero beesha caalamaka waxaana loo sheegay in dalku hal albaab leeyahay oo ah DF.

2-Waxaa loo sheegay maamul goboleedyada in ay musuul ka yihiin kaliya arimaha bulshada (social afaires)

3-Waxaa dalka laga saarey wakiilkii Tegreeda ee Gabre oo arintaas u cuntami weydey.

4-Waxaa la eryey wakiilkii QM oo dhega adayg iyo gacantogaaleyn sameeyey.

5-dhismaha ciidamada,dhaqaalaha iyo dagaalka alshabaab bay intaas ku feerwaday xukuumadaan.

6-Siyaasada dibeda iyo boqolaal dhalinyaro ah oo xabsiyada dibeda ku xiranaa oo dalka lagu soo celyey waa guulo waaweyn oo la taaban karo.

7-Mashaariicda cusub iyo dayactirka xarumihii dawlada ee hore waxa laga qabatay oo dekeda Hobyo ugu muhiimsan tahay sow wax tar iyo guul maaha?

Isku soo wada duub Siyaasiyiinta careysan ee mucaaradka sheegta iyo suxufiga weyn ee wasiirka muhiimka ah soo noqday oo hadda ku hawlan sii fogeynta arimaha Galmudug iyo jubalaand,waan idin aragnaynaa in aad xaqiiqda sacabka saareysaan,laakiin cadceedu wax sacab la saari karo ka weyn.Xaggee ku qarin kartaan arimahaan.

1-dhulka iyo bada  ma Keenya baan siinaa?

2-Ma waxaan xalaaleynaa in qaranka Imaaraadku xukumo oo maamulo madaxduna u qaraabasho tagto?

3-Siyaasada gudaha  iyo dibeda ma jaantaa rogan baan ka dhignaa?

4-Shacbiga Soomaaliyeed  ma loo daayaa kelitaliyayaal meel ayyaga dhaafsan oo looga dacwoodo lahayn,waxay doonaan oo caddaalada ka fogna ku sameeyaan.

5-Siyaassiyiinta careysanoow yaad masashaan haddii shacbiga la dulmaayo iyo dawladooda aad weerer ku tihiin oo aad Keenya iyo Imaaradka u adeegeysaan,marqaatiga beenta ah oo aad fureysaan Alle waa arkaa dadkuna waa og yahay. 

WABILAAHI TOWFIIQ,

Jimcaale/London.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.