Dhuusamreeb:Ergooyin kusoo qulqulaya shirka dib u heshiisiinta Galmudug

Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ku sii qulqulaya Ergooyinkii ka qeyb gali lahaa Shirka Dib-u-heshiisiinta Beelaha daga Galmudug kuwaas oo ka tagay deegaano badan oo kala duwan si-ay Shirkaas uga qeyb galaan.

Waxaa Dhuusamareeb ka socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee Shirkaas lagu qaban lahaa iyadoona dadka magaaladda iyo Maamulka siweyn ugu diyaar garoobeen soo dhaweynta Martida kala duwan.

Dhuusamareeb waxaa sidoo kale ku sugan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda dalka kuwaas oo qeyb ka daanaya sidii Shirku u dhici lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.