Sawiro:Wasiirka Maaliyada Jubbaland oo la weeragay Masuuliyada Amniga Kismaayo

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shir gudoomiyay kulan looga hadlaayey Amniga Magaalada Kismaayo.

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magacaabay gudiga taakulaynta dadka wax ku noqday weerarkan Argagixiso kuwaas oo ka shaqayn doona sidoo loo caawin lahaa dadka dhibaatadu ay gaartay iyo sidii gacan loogu fidin lahaa milkiilaha hotelka Cascasay .

Qorshaha amniga doorashada ayaa la isku raacay in Dowlad Goboleedka Jubbaland ay si adag u sugayso amaanka doorashooyinka waxaana howshaas loo xilsaaray Wasiirka Maaliyada Jubbaland Cabdirishiid Jire Qalinle oo soo xirtay dharka Ciidamda Halka Wasiirkii Aminga Cabdirishiid Janan iyo Taliyihiii Nabadsugida ku soo labisteen dhar Caadi ah.

Axmed Madoobe oo kulankaa ka hadlay ayaa sheegay in la kala saaro Siyaasada iyo amaanka oo nabadgalyada ayna mara Jubbaland gorgortan ka galaynin arimaha siyaasaduna ay leeyahiin wado loo maro balse amaanka cidii wax u dhinta gacan bir ah lagu qaban doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.