Daawo:Masaajid ay ku tukadaan hal qabiil oo Soomaali ah heebsooc awgiis

masjid

Waxaa wali qaybo badan oo ka mid ah gayiga Soomaalida ay degto ka jira heeb-sooc ama takoor lagu sameeyo qaar ka mid ah bulshada.

Heeb-soocan ayaa mara maraxalado kala duwan oo bulshada lagu takoora ay sheegeen in dhibaato maskaxeed ay u gaysato iyo waliba dhibaatooyin kale oo xag dhaqaale iyo xag nololeedba leh.

Magaalada Qabridahar ee dawlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya waxaa ku yaalla masaajid ay ku tukadaan dadka la heeb-sooco oo aysan bulshada kale kula tukan.

Maalim Cabdulaahi Cabdi Xassan waa Imaamka masaajidkan wuxuuna BBC-da u sheegay inay jiraan dad garab mara masaajidka iyada oo uu aqinkii hataa dhacay.

Imaamka ayaa sheegay inuu horay ula hadlay dadkan una sheegay inuu Masaajidka Ilaahay uu leeyahay uusanna gaar u ahayn cid ama qabiil gaar ah.

” Waxaan u sheegay inuu masaajidka Ilaahay leeyahay aysan lahayn cid gaar ah ee ku soo tukada, balse ma jiraan wax ka suura galay weli.” Ayuu sii raaciyey imaamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.