Wasiir Bayle iyo Safiirka Maraykanka ayaa kawada hadlay dib habaynta Maaliyada Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Donald Y. Yamamoto oo ay ka wada hadleen arrimo badan.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Danjire Yamamoto ay ka wada hadleen arrimaha dib u habeynta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya, iyadoo la tix raacayo heshiisyadii hay’adda lacagta adduunlka IMF iyo hagaajinta dhaqaalaha.

“Waxaan ku faraxsanahay taageerada uu nasiiyo Mareykanka ee ku aadan dib-u-hagaajinta dhaqaaleheena, xasiloonida Maaliyadeed iyo rajada miro dhalka ah ee deyn cafinta Soomaaliya.”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiir Beyle ayaa hoosta ka xariiqay in kulanka uu ahaa mid wax ku ool ah, isla markaana ku soo idlaaday jawi guul ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.