Sawiro:Hogaamiyaha Jubbaland iyo Wasiirka Amniga oo Booqday Isbitaalka Kismaayo

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa booqday Isbitaalka Magaalada Kismaayo halkaas oo la geeyay dadkii ku dhaawacmay weerarka Argagixisadu maanta ku qaaday Hotelka CasCasay ee Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa booqday qaybta gargaarka deg dega ah oo shaqo adag ay ka hayaan Dhakhaatiirta kala duwan waxaa uu Madaxweynahu tacsi u diray dhamaan ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Qaraxa maanta isagoo caafimaad taam ah u rajeeyay dadka dhaawacyadu soo gaareen.

Waxaa Caawa laga Maqlayaa Hoteelka Cascasay Qarax iyo raas iyadoo wali aan lasoo afjaray kooxdii soo weerartay Hoteelka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.