Sawiro:Haween Axmed Madoobe Lacag u qaybiyey ayaa Bananbax ka dhigay Kismaayo

Qaar kamida Haweenka Magaalada Kismaayo oo uu Axmed madoobe Soo abaabulay ayaa sameeyay maanta isku soo bax ay ku taagerayaan Hogaamiyaha Jubbaland ee fashilamay Axmed Madoobe.

Haweenkaan oo loo qaybiyey lacag ayaa waxay socod kusoo mareen Wadada laamig dheer magaalada Kismaayo waxayna wateen Masawirada Axmed Madoobe.

Haweenkaan lacagta lasoo siiyey ayaa Waxaa ay ku dhawaqayeen erayadii loo sheegay ee ahaa in markale dib u soo laabto Axmed madoobe.

Ma ahan Markii kowaad ee Axmed Madoobe Lacag ku bixiyo bananbax sidaan oo kale ah, maalmo ka hor bay ahayd markii uu diyaarado kaga keenay dalka dibadiisa Qurbajoog kuwaas oo shir uga furay Kismaayo iyagoo dhahaya Axmed madoobe dib haloo doorto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.