Daawo:Puntland oo aan u kala harin soo dhaweyntii Khayre

Bulshada ku nool dhanka waqooyi ee degmada Gaalkacyo ayaa garoonka kubbadda cagta Cawaale si wayn ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo galabta socdaal kusoo gaaray dhanka waqooyi ee magaalada.

Garoonka Cawaale oo loogu magac daray halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dad u badan dhallinyaro xamaasadeysan oo isu abaabulay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kuna dhawaaqayay erayo ay ku muujinayaan dowlad jaceylka ay qabaan iyo sida ay ugu faraxsanyihiin socdaalka wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bulshada waqooyiga Gaalkacyo uga mahadceliyay soo dhawaynta ay u sameeyeen ayaa ku dhiirri geliyay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta gobannimada iyo xornimada ay soo hooyeen dhallinyaro badankood kasoo jeeday gobalka Mudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.