Sawiro:Wasiirka Amniga Jubbaland oo qado Sharaf u sameeyey xildhibaanada iyo Wasiirada Dawlad Goboleedka Jubaland ee ka soo jeeda Gobolka Gedo.

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dawlad Goboleedka Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa maanta Qado Sharaf u sameeyey xildhibaanada iyo Wasiirada Dawlad Goboleedka Jubaland ee ka soo jeeda Gobolka Gedo.

Waxaana qadada kadib laga wada hadlay xaladda Guud ee Dawlad Goboleedka Jubaland ee doorashooyinka soo socda waxaana lagu dheeraaday ka hadalka Geedi socodka doorashada sidii habsani leh ay ugu dhici lahayd iyada oo aan la baal marin nidaamka Dastuuriga ah ee Jubaland u yaala.

Kulan waxaa lagu milicsaday wadadii dheerayd ee loo soo maray halgankii dheeraa ee loo soo maray dawladnimada maanta la haysto ee Jubaland.

Wasiirka wasaarada Amniga ee Jubaland ayaa uga waramay Wasiirada iyo Xildhibaanada iyo Maamulka Gobolka Gedo oo Goob joog ahaa shirka socdaaladii uu dhawaan ku tagay caasimada Muqdisho Nairobi iyo Addis Ababa waxana uu xusay inaysan cidna ka weecin Karin hiigsigiisa ah Jubaland oo nidaamkeeda Dawliga ah uu sii socdo noqdana mid bulshada soomaaliyeed ee reer Jubaland ay ku galaan doorasho si nabad galyo ah u dhacda oo aysan dhibaato ka imaan.

Ugu danbayntii wasiirada iyo Xildhibaanada Soomaaliyeed ee reer Jubaland ee ka soo keeda Gobolka Gedo ayaa isku raacay in laga shaqeeyo danta Guud ee Jubaland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.