Daawo:Madaxweynaha Farmaajo oo ka qeyb galaya Xafladda Qalinjabinta Dufcada 20-aad ee Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo munaasabadda qalinjabinta kala qaybgalay dufcadda 20-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ardayda ugu hambalyeeyay dadaalka ay muujiyeen iyo guusha ay gaareen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya oo soo martay marxalado kala duwan iyada oo maanta cagta saartay dhabbada dib u soo kabashada iyo horumarka, wuxuuna xusay rajada wanaagsan ee uu ka qabo mustaqbalka dalka.

“Wadankeenu wuxuu soo maray duruufo kala duwan, waxa uuna maanta marayaa in intaan oo arday ah ay ka qalinjabiyaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo daliil u ah in haddii la wada dadaalo oo gacmaha la is-qabsado aynu gaari karno natiijo tan ka sii weyn.”

“Waxaa ii muuqda rajo wanaagsan, waxaa ii muuqda waddan dhaqaalihiisu uu la tartami doono waddamada aan burburin, waddan ka faa’idaysan doona khayraadkiisa dabiiciga ah, hadday tahay beeraha, xoolaha, kalluumaysiga iyo macdanta kale oo aan adduunka u suuq geyn doonno, waxaa ii muuqda in Soomaaliya la maalgashan doono si dhallinyarada idinka oo kale ah shaqo loogu abuuro.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.