Hadii la Arkay Dhibka Federaalka Somali maku Baraarugtay?

Waa sida aan su,aasha u dhigaye aniga ma qabo sida kuwo isku sheega madax
ku celceliyaan Soomaaliya waxay qaadatay Federaal,aragtidaydu waa in lagu
maamulaayo wax lagu sheegay federal oo loo qaaday ama loo sameeyey oo ay
ka denbeeyeen shisheeye weliba cadaw ah,sababahaan awgood:-
1-Nidaamka dawligaa wuxuu ku yimaadaa qaad aad loogu fekeray oo dadka ka
yimaada.
2-Waa iney jiraan sharciyaqaano dadka ka mid ah oo loo xilsaaro si ay ugu
jaangooyaan druufaha jira sida baahida loo qabo nidaamkaas,diinta,
dhaqaanka,sooyaalka taariikhda iyo mustaqbalka danbe.
3- waa in uu yahay mid turxaan baxsan oo kala qeexaaya awoodaha ha,yadaha
dawligaa min madaxtooyo ilaa degmo.
4-Waa in ay jirtaa wacyigelin iyo ka doodis bulshada dhexdeeda ah oo muda
socota si qolada rabta iyo qolada diidan qola kasta afkaarteeda u soo
bandhito,ileyn dadku wax iskuma raacaan oo diidmo iyo ogolaasho labadaba waa
jireysaaye.
5- Intaas ka dib waa in la qaadaa afti dadweyne oo maya iyo haah ah.
Shantaas sababood awgood baan u iri Soomaaliya ma qaadan federal ee waa loo
qaaday ,kuwa la ordaayaana waa kab qaadyo cadawga dalka u shaqaynaaya
nooc kasta ha noqdaane.
MAXAA KA DHASHAY?
Ilaa maalintii laga soo xambaaray Imbigaati /Kenya ee loo soo dhiibay niman
qaraw madaxtinimo qabay(MADAWEYNE MAR I DHAHA) waxaa ka dhashay
arimahaan:-
-Madaxweynihii lagu soo doortay Imbigaati waxaa la soo raaciyey awood militeri
oo gaaraysay 50,000 askari oo loo tusay in Soomaliya loo xasilinaayo,laakiin
arinku taas waa ka duwanaa oo saraakiil uu ka amarqaato oo talada dalku ka
godo baa madaxtooyada iyo taliska Ciidanka la keenay,waana tii dhalisay markii
waa ku beryey in uu iscasilo marxuum Cabdullaahi Yuusuf,madaxweynihii lagu
soo doortay Imbigaati.
-Waxaa si isdabajoog ah loo sameeyey maamulo lagu sheegay dawlado oo aan
ku imaan rabitaanka dadka sida ku qoran tastuurka cadawgu noo sameeyey
naftiisa oo dhahaaya laba gobol iyo wax ka badan oo israba baa israaci kara.
Bal aan idin su,aalee laga soo bilaabo Soomaalilaand ilaa JubaLaand ma leysku
qasbay mise waa israbaan?
-Waxaa ka dhashay federaal qabyaaladeysan oo qolo ku amarkutaaglayso.
-Waxaa ka dhashay awooda dalka oo cid ka mas,uul ah ayyan jirin ee laysku
haysto min madaxtooyo Ilaa Degmo.

-Waxaa ka dhashay in maamulada goboladu mar kasta raacaan cidkasta oo
dawlada dhexe iyo ummada Soomaaliyeed cadaw u ah ama xurguf dhex marto.
-Waxaa ka dhashay isqabqabsi xuduudeed oo si lagu xalin doonaa ayyan ii
muuqan,kuna salaysan meeshaan reerkeena baa degan.
-Waxaa ka dhashay mawaadin Soomaliya oo gurigii uu lahaa oo degenaa laga
soo masaafuryey.
-Waxaa ka dhashay xasuuq dad la xasuuqo si loo barakiyo dad Soomaliya oo
guryahooda degan weligoodna ku noolaa, arintaas oo hadda xarkaha
goosatay,meel xuna gaari doonta haddii aan shacbiga Soomaliyeed ka dhiidhiyin
ee ay xalkeeda ka sugaan kuwa madaxweynayaasha sheegtay ee qabiilka ku
masala joogana maamulada Gobolada.
Aan soo gunaanadee nimankaan nin walba muda yar buu joogayaa oo uu raadiyo
maal naftiisa iyo reerkiisa ku hodmaan , dhibkana wuxuu uga tegeyaa dadka
gobolka iyo guud ahaan Soomaaalida,waana wado cadawgu ku bisleysanaayo in
uu ku qaato dalkeena,bal eega garasha la,aanta shacbiga iyo dhagarta
Madaxweynayaasha gobolada;-
-Daraad waxay la safnaayeen Taliskii Tegreyda ee Adhis Ababa.
-Shalay waxay Taagerayeen Imaaradka oo aan xaalkooda la wada socono.
-Maanta waxay u yaaceen Dawlada Keenya oo dooneysa in qayb Soomaaliya ka
mid ah qaadato.
Intaas haddaan wax ku qaadan weyno oo aan calanka buluuga ah ee Xamar ku
soo haray u hiilin weyno maxaa xigi doona?Qabiil calan leh dhul ma difaaco
sidaas baan ku kala tegeynaa dalkana qolo nagu xukunta baa qaadan,sidaas
awgeed Culumada diinta ee ag fadhiya kabaqaadyada gobolada Jooga iyo
dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool, kaalinta idiintu noo banaysay qaata oo
dalkaan badbaadiya, kuna dagaalama tan Eebbe na faray ee ah,(XARIGA EEBBE
QABSADA OO HA KALA TEGINA)Cidii dayacda ha ogaato in ay horseed ka
noqonayaan (QOON AAN GACMAHOODA ISKU DULEYN EEBE MA
DULEEYO,Marka xilka culumada iyo dhalinyarada laga Soo tago odayaasha
dhaqanka arintaas meelna uga baxsan maayaan aqoonyahankii dibada waxba u
dirsan mayo oo dalka waxay kula soo laabteen diin la,aan,wadaniyad
xumo,qabyaalad ka foolxun tii dalka tiiley,maal jacayl iwm,laakiin kii dalka wax ku
bartay asaga xal baa laga sugayaa in uu dalka wax ka badbaadiyo.
Wabilaahi Towfiiq,
Jimcaale/London.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.