Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay shacabkoodii in lagu xasuuqay Galmudug

koonfurgalbeed

Wasiira Warfaafinta Maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Koofur Galbeed ayaa ka hadlay weerar xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay 9 qof oo ka soo jeeda degaannada Koonfurgalbeed.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan ayaa sheegay in dhamaan dadka lagu laayay Gaalkacyo ay ka soo jeedaan degaannadooda.

Waxaa uu sheegay in Maamulkooda uu baaritaan ku wado sababta iyo cidda dishay dadka ka soo jeeda Koofur Galbeed ee lagu laayay Gaalkacyo.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in dadka deggan Magaalada Gaalkacyo ee ka soo jeeda Koofur Galbeed aysan xalay guryahooda seexan.

Dhawaan ayey ahayd markii 4 qof oo ka soo jeedda degaannada Koofur Galbeed lagu dilay degaanka Bulacle ee Gobolka Galguduug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.