Daawo:Madaxwayne Farmaajo oo La Dardaarmay Maamulka Gobolka Banaadir

Waxaan maanta warbixin ka dhagaystay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo hawl wadeennadiisa, aniga oo ku dhiirrigeliyay in ay sii dardargeliyaan adeegyada bulshada, la dagaallanka musuqmaasuqa, ka hortagga dhul boobka, hagaajinta bilicda Caasimadda iyo in sare loo qaado tayada iyo xirfadda shaqaalaha Gobolka Banaadir.

Waxaan bogaadinayaa dadaallada ay wadaan Maamulka uu hormuudka ka yahay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisoow), waxaana kula dardaarmay in canshuur bixiyeyaasha Caasimadda loogu adeego si hufan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.