Ciidamada Xoogga dalka oo qasaare Xoogan gaarsiiyay Al-shabaab

daagal

Maleeshiyaadka  Al-Shabaab ayaa Jab-xooggan kala kulmay weerar ay ku qaadeen  Saldhig Ciidamada AMISOM iyo kuwa xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubadda Hoose.

Guddoomiyaha deegaanka Qooqaani Muuse Macalin ayaa sheegay inay ka war hayeen weerarka ay ku soo qaadeen ururka nafla caariga ah ee Al-Shabaab deegaanka Qooqaani.

Sidoo kale Guddoomiyaha deegaanka Muuse Macalin ayaa sheegay in dagaalka ay qasaare xooggan  ku gaarsiiyeen maleeshiyaadka gabalkoodu dhacay ee  Al-Shabaab, ayna arkeen meydad badan oo ay goobta lagu dagaalamay uga carareen.

Deegaanka Qooqaani ayaa u dhaxeeya Dhoobley iyo Afmadow, waxaa uuna kamid yahay meelaha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Juballand ay ka xureeyeen argagixisad caadeysatay daadinta dhiigga Ummadda Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.