Wasiir Mareeye oo Cambaareeyey Qaraxii ka dhacay Muqdisho

mareeye

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyey Qarax ay argagixisadu la beegsadeen dad bakarakacayaal ah oo deganaa dhismihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyey dadka masaakiinta Barakacayaasha ah oo iyagoo ALLE dartii u Sooman malleeshiyo ka tirsan Al-shabaab ay ku waxyeelleeyeen Qarax laga soo buuxiyey gaari ayna ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawacba, waxa uu EEBBE uga baryey dadkii ku dhintay iyagoo Sooman dhammaantood in ALLE uu siiyo Jannadiisa, kuwa ku dhaawacmayna uu uga booga dhayo.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Korneyl Faay Cali Raage oo ka mid aheyd saraakiisha ciidammada Xoogga dalka, kuna dhimatay Qaraxii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka  Maareeye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarrada Bahalnimo ee ay Argagixisadu shacabka u soo maleegayaan bishaan Naxariista iyo Cibaadada ee Ramadaan, waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed aysan marnaba  ka daali doonin badbaadinta Shacabkeeda.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa  shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba-jibaan gacan siinta  ciidammada Qalabka sida ee dagaalka adag lagu jira cadowga Argagixisada ah ee Al-shabaab,  waxa uu  rajo weyn ka muujiyey in dhowaan la soo afjari doono jiritaan nabad-diidka Al-shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.